Xisbul-Islaam oo iska fogeeyey weerarkii lagu qaaday Madaxtooyada


Ururka Xisbul-Islaam ee uu hoggaamiyo Dr. Cumar Imaan Abuubakar, oo ay dhowaan ku  midoobeen qaar ka mid ah xoogagga muqaawamadu ayaa iska fogeeyay inay ayagu ka dambeeyeen madaafiicdii shalay lagu weeraray xarunta Madaxtooyada xilli uu halkaasi ku sugnaa madaxweynaha Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed.

Sheekh Xasan Mahdi oo ka tirsan saraakiisha Xisbul-Islaam, kuna hadlayey magacooda ayaa sheegay in aysan jirin wax madaafiic ah oo ay xoogaggoodu ku soo rideen dhanka Madaxtooyada, asagoona intaa raaciyey in saldhigyada ciidamadoodu aanay agagaarahaas ka dhoweyn, wuxuuna sidoo kale sheegay inuusan jirin dagaal ay kala soo horjeedaan Madaxweyne Shariif, hase ahaatee ay dagaalada sii wadi doonaan ilaa laga gaaro ahdaaftii laga lahaa.

Sheekha ayaa in Sheekh Shariif ay u aqoonsan yihiin inuu ka mid ahaa garabyadii muqaawamada balse uu markii dambe ku biiray DKMG, laakiin uu ururkoodu ku taagan yahay mabaadii'da, dagaalkana uu sii wadi doono.

Weerarkii madaafiicda ee shalay lagu qaaday xarunta Madaxtooyada (Villa Somalia) oo uu gudaheeda markaa ku sugnaa Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed, ayeysan weli jirin cid ama koox sheegata inay ayadu ka dambeysay.


Add New Comment