Odayaasha Hawiye oo ka cowday hadalkii Dr. Cumar Imaan



Golaha Dhaqanka iyo Midnimada Beelaha Hawiye ayaa cabasho ka muujiyay hadal uu shalay  ku sheegay shir jaraa'id oo uu Muqdisho ku qabtay Dr. Cumar Iimaan Abuubakar oo ahaa in ay la dagaalami doonaan dowladda uu Madaxweynaha ka yahay  Sheekh Shariif Sheekh Axmed.

 

Afhayeenka Golaha Dhaqanka iyo Midnimada Beelaha Hawiye ayaa wax aan loo baahneyn ku tilmaamay hadalladii shalay laga maqlay guddoomiyaha Xisbul_Islaam Dr. Cumar Imaan Abuubakar oo uu ku sheegay in dagaalladu sii socon doonaan inta laga gaarayo ujeeddooyinkii loo dagaalaamayey.

 

Caaqil Axmed Diiriye Cali ayaa muujiyey sida uu uga xunyahay in waqtigaan lagu baaqo dagaal, sheegayna in Dr. Cumar Imaan Abuubakar oo in ka badan 2 sano dalka ka maqnaa uu dib ugula soo laabto Muqdisho asagoo ku baaqaya dagaal.

 

Afhayeenka Golaha Dhaqanka iyo Midnimada Beelaha Hawiye waxaa uu tilmaamay in saraakiil ka tirsan kooxda uu hoggaamiyo Dr. Cumar Imaan Abuubakar ay wadahadlo dhex dhexaadin ah u socdeen hase ahaatee hadalkaani uu yahay mid lala soo deg-degay.

 

Hadalkaan ka soo yeeray Golaha Dhaqanka & Midnimada Beelaha Hawiye ayaa yimid kaddib markii shalay uu Dr.Cumar Iiman saxaafadda kula hadlay Warshadii hore ee Baastada uu sheegay in ay sii wadi doonaan  dagaalka ay kula jiraan ciidamada Shisheeye iyo kuwa uu ku sheegay in ay yihiin daba dhilif.

Add New Comment