Madaxweyne Shiikh Shariif iyo wafdi uu hogaaminayo oo ka soo degay Magaalada Muqdisho.


Madaxweyne Shiikh Shariif iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa ka soo degay Garoonka diyaradaha ee Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho.
 
Madaxweynaha iyo wafdiga uu hogaaminayo ayaa waxaa ay noqoneeysaa booqashadii ugu horeeysay ee uu ku yimaado caasimada Soomaaliya ee Muqdisho tan iyo markii loo caleemo saaray xilka Madaxweynenimada.
 
Ciidamo isugu jira kuwa Maxkamadaha iyo kuwa dowlada kmg ayaa waxaa ay isku gadameen wadooyinka gala garoonka diyaaradaha iyo xaafadaha ku dhow dhow si ay ammaanka u sugaan. 
 
Madaxweyne Shiikh Shariif Shiikh Axmed ayaa waxaa loo soo galbiyay xarunta Madxtooyada ee Vila Somalia halkaasi oo ay ku soo dhaweeyeen hogaanka Sare ee Maxaakiimta islaamiga ee ku sugan gudaha dalka Soomaaliya iyo saraakiil ka tirsan ciidamada dowlada kmg Soomaaliya.

Add New Comment