Maxkamadaha oo shacabka ugu baaqay inay qaataan hub ay isku difaacaan


Maxkamadaha-islaamka.jpg

Hoggaanka gudaha ee Maxkamadaha islaamiga ayaa shacbiga  Soomaaliyeed ugu baaqay in ay qaataan hubkooda, si ay isaga difaacaan kooxaha  dilalka ka geysta gudaha magaalada Muqdisho.

 

Afahayeenka dhinaca howlgallada  Maxkamadaha Islaamiga sheekh Cabdiaxiim Ciise Caddoow ayaa ugu baaqay shirkadaha waaweyn, haya’adaha samafalka, culumada, aqoonyahanaha iyo shaqsiyaadka magaca leh ee Soomaaliyeed in ay qaataan hub ay isaga difaacaan dadka shirqoollada dilka ka fuliya gudaha dalka Soomaaliya.

 

Isagoo qadka taleefanka ugu waramayay TV-ga Al Jazeera ayaa Sheekh Cabdiraxiim Ciise Caddoow waxaa uu sheegay in shacbiga Soomaaliyeed ay iska saaareen xukuumaddii militariga ee kaligiis taliska aheeyd, hogaamiye kooxeedyadii iyo ciidamada Ethiopia sidaa darteedna ay awoodaan in ay iska saaraan dadka magaca islaamka u adeegsanaya ujeedooyin ka soo horjeeda diinta islaamka.

 

Sheekh Cabdiraxiim waxaa uu sidoo kale sheegay in dadka dilalka shirqoolada fuliya aysan aheeyn mujaahidiin oo magaca islaamka ay u adeegsadaan falal dembiilenimo ah sida uu hadalka u dhigay.

 

Sheekh Cadoow waxaa uu sidoo kale ugu baaqay dadka Soomaaliyeed ee aan hubka haysan in ay yeesheen hub ay isku daafacaan isagoo sheegay in maxkadaha islaamukuna ay hubkaasi ka soo aruurin doonaan marka ay xasisho xaaladda amaan ee dalka Soomaaliya.

 

Hadalka Afhayeenka dhinaca howlgallada ee Maxkamadaha iIlaamka ayaa waxaa uu imaanayaa xili maalmo ka hor gudaha Suuqa Bakaaraha oo ay gacanta ku hayaan xoogaga muqaawamada dil bareer ah loogu geystay Allaha u naxariistee Agaasimihii idaacada Horn Afrik Saciid Tahliil Axmed.

Add New Comment