Turkiga oo markab dagaal u soo diraya xeebaha Soomaaliya


navy.jpgDowladda Turkiga ayaa ku soo biirtay dalalka ku dhawaaqy inay la dagaalamayaan burcad-badeedda Soomaaliyeed, waxayna sheegtay inay maraakiib dagaal u soo diri doonaan xeebaha waddanka Soomaaliya oo ay hore ugu sii sugnaayeen maraakiib dagaal oo fara badan oo ka kala socda dalal u badan gaashaanbuurta NATO.

 

Barlamanka Turkiga ayaa isku raacay in Turkigu uu markab dagaal iyo ciidamo u diro xeebaha soomaaliya kuwasoo qayb ka noqon doona ciidamo caalami ah oo loogu talagalay in ay la dagaalaamaan kooxaha burcad-badeedda Soomaaliyeed.

 

Go’aanka dowladda Turkigu ay qaadatay ayaa yimid kaddib markii ilaa 37-qof oo u dhashay wadanka Turkiga lagu qafaashay xeebaha Soomaaliya, ayadoo sidoo kalena 15 markab oo xiriir la lahaa dowladda Turkiga ay kooxaha burcad badeedu qafaasheen.

 

Add New Comment