Madaxweyne Shariif oo ka hadlay dhibaatadii ay cciidamada AMISOM geysteen

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo uu wareystay televisionka caalamiga ah ee  Al-jazeera qaybtiisa afka carabiga  ayaa sheegay sida  uusan ugu faraxsaneyn fal celinta ay ciidamada nabad ilaalinta Ururka Midowga Afrika ee AMISOM ka bixiyeen weerarkii ismiidaaminta ahaa ee dhowaantan lagu qaaday.

Madaxweynaha ayaa sheegay inaan marnaba la oggolaan karin in dadka rayidka ah ee aan waxba galabsan micno darro lagu laayo, wuxuuna kale oo uu sheegay in dhibaatooyinka ay ciidamada AMISOM ka geystaan Soomaaliya  uu kala hadlay madaxda Ururka Midowga Afrika.

"Waxaan la kulanay madaxda Ururka Midowga Afrika, waxaanna ka wada hadalnay dhibaatooyinka ay ciidamada AMISOM ku hayaan shacabka, kumana faraxsanin sida ay ugu jawaabaan marka weerar lagu soo qaado" sidaas waxaa yiri Madaxweyne Sheekh Shariif.

Waxa kale oo uu madaxweynuhu sheegay in haddii ummadda Soomaaliyeed ay si wanaagsan uga shaqeeyaan nabadeynta dalkooda aan loo markaas loo baahneyn in ciidamada Midowga Afrika (AMISOM) ay sii joogaan dalka ayna iska bixi doonaan.

Warkaan ayaa ah kii ugu horreeyey ee uu Madaxweynuhu ku soo hadal qaado dhacdadii toddobaadkii hore ee ay ciidamada AMISOM ku xasuuqeen magaalada Muqdisho dad fara badan oo rayid oo ayagu aan waxba galabsan.


Ciidamada Midowga Afrika iyo kuwii Ethiopia ee isaga baxay dalka ayaa waxa u caado ah inay dadka rayidka ah bartilmaamsadaan marka ay xoogagga muqaawamadu fuliyaan hawlgal ciidan oo ay dhibaato kasoo gaarto xaggooda.

Add New Comment