Markabka MV Faina oo la sii daayey



mv.jpg Burcad badeeddii  afduubka ku heystay markabkii MV Faina ee laga lahaa  waddanka Ukraine ayaa sii daayey kaddib markii ay heleen lacagtii ay madax furashada ahayd ee ay hore u weydiisteeb shirkadda markabka iska lahayd.

Markabkan oo ay burcadbadeeddu kasoo qafaasheen asagoo marayey meel u dhow biyaha waddanka Kenya sanadkii hore (2008) ayaa sida la sheegay ka mid ahaa maraakiibtii xeebaha Soomaaliya lagu qafaashay kuwoodii ugu waaweynaa, wuxuuna siday hub  aad u tiro badan ay ku jiraan taangiyada T72 oo halka laga leeyahayna aan ilaa iyo hadda si dhab ah loo ogeyn.

Dowlada kenya aaya hore u sheegatay in hubka iyo dabaabadaha saaran markaabkaasi  ay iyagu leeyihiin islamarkaana uu ku socday dekedda magaalada Mombasa lakiin waxaa markii dambe soo baxay warar sheegaya in hubku u socday koonfurta dalka Suudaan.

Burcad badeedda ayaa  markii hore dalbaday lacag madaxfurasho ah oo gaareysa 20 milyan oo doollar, laakiin gorgortan dheer kaddib ayaa waxa gebgabadii la kala qaatay 3.2 milyan, gacantana loo geliyey kooxdii markabka heysatay.

Dhacdadaan ayaa ku soo aadday xilli xeebaha waddanka Soomaaliya ay ku sugan yihiin maraakiib dagaal oo fara badan, kana kala socda dowladaha waaweyn si ay u ilaaliyaan maraakiibta ganacsi ee isaga kala goosha badaha Gacanka Cadmeed iyo Badweynta Hindiya.

Add New Comment