Agaasimihii Idaacadda Horn Afrik oo muqdisho lagu dilay

Kooxo hubaysan oo aan haybtooda la garaneyn ayaa goordhow gudaha suuqa Bakaaraha ku toogtay Agaasimihii idaacada Horn Afrik ee magaalada Muqdisho marxuum Saciid Tahliil, xilli uu marayay gudaha Suuqa weyn ee Bakaaraha.
 
Alla ha u naxariistee marxuum Saciid Tahliil Axmed ayaa  ahaa Agaasimihii Idaacadda Horn Afrik oo ka mid ah idaacadaha Madaxa banaan ee ka howlgala gudaha Magaalada Muqdisho ayaa xilkaas waxaa uu qabtay kadib markii Muqdisho sidan oo kale loogu dilay Labo Agaasime oo isla Idaacadan ka wada tirsanaa kuwaas oo kala ah Cali Imaan Sharma;arke iyo Mahad Elmi.
 
lama oga sababta dhabta ah ee ka dambaysa dilka agaasimaha iyadoo aan sidoo kale la garaneyn kooxaha dilka u geystay agaasimaha idaacada Horn Afrik,iyadoo kooxihii dilka geystana ay ka baxsadeen goobta ay falka dilkaasi ka geysteen.

Haddaba bahda website-ka SilGor.com ayagoo ka xun dilka marxuum Saciid Tahliil uga tacsiyadeynayaan eheladii, asxaabtii iyo bahda Idaacadda Horn Afrik ee uu ka geeriyooday, asagana waxaan Allaah uga baryeynaa inuu jannaadii Fardowsa ka waraabiyo. AAMIIN - AAMIIN - AAMIIN.

Add New Comment