Sacuudiga oo isugu yeeray Sheekh Shariif iyo Sheekh Xasan Daahir

Boqortooyada Saudi Arabia ayaa dadaal ugu jirta sidii laysugu soo dhoweyn lahaa mas'uuliyiintii Midowgii Maxkamadaha Islaamka ee Soomaaliya Sheekh Xasan Daahir Aweys iyo Sheekh shariif Sheekh Axmed oo ku kala tegay aragtiyo kala duwan oo ku saabsanaa sidii loo wajihi lahaa mushkiladda Soomaaliya.

Mamlakada Sacuudiga ayaa sida la sheegay ku casuuntay dalkeeda si labada mas'uul halkaas loogu dhexdhexaadiyo, arrintaan ay dowladda Sacuudigu shaacisay ayaa wax weyn ka tari doonta xal u helidda dhibaatada Soomaaliya, haddii lagu guuleysto in labada mas'uul laysa soo hor fadhiisiyo.

Sheekh Xasan Daahir Aweys oo ah hoggaamiye mayal adag ayaa wali ku dhagan mowqif uu horey u qaatay kadib markii garabka uu hogaaminaey Sheekh Shariif ay hehsiis kula galeen magaalada Jabuuti  Dowladda KMG ah.

Dhowaan ayay aheyd markii Xasan Dahir uu qaadacay Madaxweynaha la doortay Sheekh Shariif,  kuna  tilmaamay inuusan waxba ka duwaneyn lana mid yahay Meles Zenawiga Ethiopia  iyo Col. Cabdullaahi Yuusuf.

Heshiis dhex mara labada mas'uul ayey dad badani qabaan inuu keeni karo nabad waarta oo ka dhalata geyiga Soomaaliya ee ay colaadaha sokeeye halakeeyeen muddo ka badan 18 sano.


Add New Comment