Dr. Cabdiqaasim oo soo dhoweyn iyo talaba u soo jeediyey Sheekh Shariif



Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Dr Cabdiqaasim Salaad Xasan ayaa si weyn u soo dhaweeyay madaxweynaha cusub ee dhowaantan la doortay ee Jamhuuriyadda Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed.
 
Madaxweynihii hore Dr. Cabdiqaasim ayaa mar uu weriyeyaal ugu warramayey magaalada Qaahira ee dalka Masar oo uu hadda degan yahay sheegay inuu aad iyo aad ugu faraxsan yahay Madaxweynaha cusub Sheekh Shariif Sheekh Axmed.

"Waan ku faraxsanahay Madaxweynaha la doortay, waana la shaqeyn doonaa haddii alle idmo" sidaa waxaa yiri Dr Cabdiqaasim Salaad Xasan.

Dr. Cabdiqaasim wuxuu kaloo ugu baaqay madaxweyne Sheekh Shariif  in dalka lagu maamulo shareecada Islaamka si qof waliba u helo xaqiisa iyo sidoo kale in madaxweynaha cusub uu waan waan nabadeed la galo saaxibbadii ay halganka soo wada galeen, kana wada tirsanaayeen Midowgii Maxkamadaha Islaamka.

Madaxweynihii hore ee Jamhuuriyadda Soomaaliya ayaa ku ku celiyey in maxkamad caalami ah lasoo taago madaxweynihii hore ee Mareykanka George W. Bush iyo Ra'iisal wasaaraha Ethiopia Meles Zenawi, dembiyadii dagaal ee laga galay Soomaaliya awgood.


Add New Comment