La taliyaha Madaxweyne Shariif oo beeniyay in Madaxweynaha dalbaday Ciidamo shisheeye



r3409108030[1].jpgLa taliyaha Madaxweynaha Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed ayaa beeniyay wararka sheegaya in Madaxweynuhu uu dalbaday Ciidamo shisheeye oo meesha ka saara waxa loogu yeeray xagjiriinta Nabada Soomaaliya.

Dr. Axmed Macalin Fiqi oo ah La taliyaha Madaxweynaha ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay hadalo ay qoraan Warbaahinta Caalamka, taasoo Madaxweyne Sheekh Shariif kaga dalbanayay Beesha Caalamka Ciidamo caalami ah, waxaana uu sheegay in warkaas uu yahay mid wax loogu dhimayo sumacada Madaxweynaha.

La taliyaha Madaxweynaha ayaa sheegay in madaxweyne Shariif oo ka qeyb galaya kulan madaxeedka Afrika uu ku adkeystay in la abuuro ciidamo Soomaaliyeed, waxaana uu sheegay in warkaasi uu yahay war aan jirin, Madaxweynaha oo caawa magaalada Addis Ababa saxaafadda kula hadlayna uu ka gaabsaday in uu dalbado ciidamo Shisheeye ,waxaana uu sheegay in madaxweynaha Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed uusan qorshaha ugu jirin dalabka ciidamo shisheeye oo la keeno dalka Soomaaliya balse uu muhiimadda siinayo in la dhiso ciidamo soomaaliyeed kuwaasi oo sugi kara amaanka.
 
"Waa waxba kama jiraan hadalada sheegaya in Madaxweynuhu dalbaday Ciidamo shisheeye, waana arrin lagu xumeynayo dadaalada uu wado"ayuu yiri La taliyaha Madaxweynaha Dr. Axmed Macalin Fiqi oo ka mid ah Wafdiga Sheekh Shariif kula sugan Magaalada Addis Ababa.

Mar uu ka hadlay Shir jaraa'id oo uu Suxufiyiinta ugu qabtay magaalada Addis Ababa Madaxweyne Shariif ayuu sheegay in wariyeyaasha wax ka weydiiyeen farqiga u dhaxeeya isaga iyo Saaxibkiis hore ee Xasan dahir, isagoo ku soo koobay in Xasan Dahir ay dad walaalo oo Muslimiin yihiin, isla markaana uu ka dhaadhicin doono inuu ku soo biiro Dowladda Soomaaliya, isagoo sheegay inuusan marna ka quusan doonin.

Jawaabta xafiiska madaxweynaha Soomaaliya ee beeninta in uu dalbaday Ciidamo Shisheeye ayaa waxa ay ka dambaysay markii qaar ka mid ah warbaahinta ay baahiyeen warar sheegaya in ay ka soo xigteen saraakiil oo ka turjumaya in madaxweyanah uu dalbaday Ciidamo Shisheeye.

Madaxweyne Shariif iyo wafdigiisa oo kulamo la qaatay madaxweynayaal Afrikaan ah ayaa kulankii u dambeeyay dhex maray isaga iyo Madaxda Urur Goboleedka IGAD, iyagoona ka wada hadlay xaalada murugsan ee Soomaaliya iyo is badalada ka dhacay, waxaana madaxweyne Shariif oo maanta gudaha usoo galay Xarunta Midowga Afrika lagu soo dhoweeyay farxad, iyadoo ay u wada istaageen madaxweyneyaashii Afrikaanka ee ka socyda 53 dal.

Add New Comment