Ethiopia oo beenisay in ciidamadeedu galeen Soomaaliya

bereket.jpgDowladda Ethiopia ayaa beenisay in ciidamadeedu ay dib ugu soo laabteen gudaha dalka Soomaaliya, xilli la wada og yahay inay ciidamo fara badan ka joogaan deegaanka Kalabeyrka ee gobolka Hiiraan.

 

Wasiirka Warfaafinta Bereket Simon oo ku hadlaayey Afka dowladda Ethiopia ayaa sheegay in ciidamada  Ethiopia aysan dib u  galin gudaha  Soomaaliya, wuxuuna hadallada kaso yeeraya gudaha Soomaaliya ku tilmaamay kuwo lagu carqaladeynayo horumarka laga gaaray dadaalka nabadda ee Soomaaliya.

 

Xukuumadda Addis Abeba waxaa ay sheegtay inay ciidamadeeda ku sugan yihiin xadka u dhexeeya Soomaaliya iyo Ethiopia si ay u difaacaan dalkooda, haddii qatar uga timaado dhanka Soomaaliyo oo ay awood ciidan oo aad u weyn ku leeyihiin kooxaha Islaamiyiinta ah.

 

Ayadoo ay shaqsiyaad siyaasadeed iyo odayaasha dhaqanka ee gobolka Hiiraanna ay xaqiijiyeen in ciidamo Ethiopian ah ay soo galeen degaanka Kalabeyr, oo weliba ay ka sameysteen baro kontorool oo ay ku baarayaan gaadiidka iyo dadweynaha isaga kala gooshaya gobolka iyo gobollada kale ee bartamaha Soomaaliya.

 

Ku soo laabashada ciidamada Ethiopia ay ku soo laabteen gudaha Soomaaliya iyo inkiridda dowladda Ethiopia ayaa waxaa lagu macneeyay in Ethiopia ay aysan wali gaarin dantii ay Soomaaliya ka laheyd taasi oo keenaysa in mararka qaar ay gudaha Somaaliya ku soo laabtaan.

Add New Comment