Madaxweyne Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa sheegay in Ciidamada Midowga Afrika ee (Amisom) uu ka dalbaday in aysan dadka rayidka duqeynin

Madaxweynaha Dowladda Midnimada Qaran ee Soomaaliya Shiikh Shariif Shiikh Axmed oo shir jaraa’id ku qabtay Xarunta Villa Somalia ee Magaalada Muqdisho waxaa uu ka hadlay dagaalladii todobaadkii hore ka dhacay magaalada Muqdisho, kuwaasi oo dhexmaray Ciidamada Dowladda iyo kuwa Amisom oo isku dhinac ah iyo xoogag ka amar qaata Xisbul Islaam oo ka soo horjeeda.
Shiikh Shariif, Madaxweynaha Soomaaliya waxaa uu sheegay in Ciidamada Dowladda Soomaaliya ee Booliska iyo Mileteriga leh ay yihiin kuwo Islaamka u shaqeynaya, isla markaana uusan dhiiggooda, Waxaa uu sheegay Madaxweynuhu in uu Dalka ku dhaqayo shareecada Islaamka .
ugu dambeystii Madaxweynaha waxaa uu shirkiisa jaraa’id ugu mahadceliyay  Dowladda Jibouti iyo shacabkeeda oo uu sheegay in ay gogol nabadeed wax badan u dhigeen dadka Soomaaliyeed  wuxuuna sheegay in ummadda Soomaaliyeed in aysan hilmaami doonin abaalkay Jibouti ay usoo  gashay, sidoo kale waxa uu u mahadceliyey Guddiga Ammaanka Qaranka oo uu sheegay in ay wax badan ka qabteen Magaalada Muqdisho, si gaar ahna waxaa uu u xusay Isbaarooyin yaallay Waddooyin Muqdisho .
Madaxweynaha Dowladda Midnimada Qaran ee Soomaaliya Shiikh Shariif Shiikh Axmed waxa uu sheegay  Ciidamada Amisom  in ay keentay Dowladdii ka horeysay dowladda uu madaxweynaha ka yahay, wuxuuna sheegay in ay ku yimaadeen qaab aan dagaal ahayn, haatanna ay diyaar u yihiin  si nabadgelyo ah inay ku baxaan haddii ay dadka Soomaaliyeed sidaas isku af-gartaan.
waxa kale ee uu sheegay  in uu  Xarunta Villa Somalia kula kulmay Odayaasha Dhaqanka iyo Midnimada Beelaha Hawiye kuwaasoo  u keenay  xabad-joojin, wuxuuna caddeeyay in ay xabad-joojintaas dhanka dowladda ay aqbaleen soona dhaweeyeen wuxuuna caddeeyay in uu ka xun yahay in uu xiligan dagaal ka dhaco Magaalada Muqdisho weliba xili ay dad horay uga qaxay guryahoodii ay  ku soo noqonayee.

Add New Comment