Golaha Wasiirrada Xukuumadda Midnimada Qaran ee Soomaaliya ayaa maanta waxay shirkoodii ugu horeeyay ku yeesheen Muqdisho.

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Soomaaliya oo shirkoodii ugu horeeyay ay ku yeeshaan Magaalada Muqdishu,  shirkaa uu  guddoominayay Ra’iisal Wasaare Cumar C/rashiid Cali Sharma-arke  waxa kasoo qayb galay sooddon iyo kow  wasiir .
Kulankaasi  waxaa looga wada hadlay arrimo ku saabsan Ammaanka Dalka Soomaaliya, gaar ahaan Magaalada Muqdisho iyo sii wadida dib u heshiisiinta iyo soo celinta dadkii ka barakacay Magaalada Muqdisho iyo sidii loogu xukumi lahaa ummadda Soomaaliyeed diinta Islaamka.
Golaha Wasiirrada Xukuumadda Soomaaliya  waxaa hor-yaalla howlo baaxad leh oo ay ugu horreeyaan  sugidda ammaanka dalka Soomaaliya iyo in ay Dowladda ku soo biiriyaan  mucaaradka ka soo horjeeda .

Add New Comment