RW cumar C/rashiid oo maanta kulan la qaatay guddi ka socda hay’ada Culimada Soomaaliyeed


Kulanka  maanta ay yeesheen ra’iisul wasaaraha Soomaaliya iyo hay’ada Culimada Soomaaliyeed ayaa waxaa uu yahay kulankii ugu horeeyay ee noocani ah  tan iyo markii xukuumadda cusub ay soo gaartay magaalada Muqdisho.mulankani Hay’ada Culimada Soomaaliyeed iyo Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Cumar C/rashiid Cali Sharma’arke iyo Wisiiro la tirsan xukuumadiisa  waxay ka wada hadleen  marxaladaha kala duwan ee ka jira dalka gaar ahaan magaalada Muqdisho.
 Gudoomiyaha hay’ada Culimada Soomaaliyeed Sheikh Bashiir Axmed Salaad oo maanta la hadlayay warbaahinta ayaa sheegay in Ra’iisul wasaaraha ay kala hadleen in la sii wado arimaha dib u heshiisiinta iyo sidi loo hir galin lahaa ku dhaqanka diinta islaamka wuxuuna sheegay sheekhu in uu soo dhaweeyay Ra'iisul wasaare  Cumar  kana aqbalay arimihi ay kawada  hadleen islamarkaasna waxa uu ka dalbaday  ra’iisul wasaaraha  hay’ada culimada in ay garab istaagana isaga iyo xukuumadiisa si ay wax badan uga qabtaan arimaha xasaasiga ah ee ka jira dalka Soomaaliya..

Add New Comment