Ra’iisul wasaare Cumar C/rashiid iyo Wasiiro ka tirsan Xukuumadiisa oo kasoo degey magaalada Muqdisho.

prime1.jpgRa'iisul Wasaaraha Soomaaliya Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke  iyo mudanayaal kale ayaa  ka soo degay garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho.

Cumar Cabdirashiid Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya ayaa wareysi kooban oo uu saxaafadda ku siiyey garoonka waxa uu ku sheegay in uu ku faraxsanyahay imaanshiyaha magaalada Muqdishu 19 sano kadib waxa uuna ku baaqay in la joojiyo dhiigga Soomaalida ee sabab la'aanta ugu daadanaya gudaha dalka Soomaaliya,waxaana Ra’iisul wasaaraha iyo wafdigii uu hogaaminayey isla galabnimadii loo galbiyey xarunta madaxtooyada oo uu ku suganyahay madaxweyne Sheekh Shariif Sheekh Ahmed.
Socdaalka Ra'iisul Wasaare Cumar oo ahaa mid qorsheysnaa ayaa qeyb ka ah socdaalka Dowladda Midnimada qaran ay ugu soo guureyso Magaalada Muqdisho ee dalka Soomaaliya.

Add New Comment