Wadayaasha gaadiidka BL-ka ee ka shaqeeya xaafadaha magaalada Muqdisho oo sheegay in dhibaatooyin aad u adag ay ku qabaan xirnaashiyaha wadada Makka Al Mukarama

Maalintii seddexaad oo rasaas goos goos ah laga maqalayo halka ay isku hor fadhiyaan ciidamadii dagaalamay iyadoo ay kala xiran yihiin dhaq dhaqaaq dadka iyo gadiidka goobaha ay dagaalada ka dheceen ee magaalada Muqdisho .
Kadib markii saameyn ay ku yeesheen dagaaladii ka dhacayay magaalada Muqdisho maalmihii aynu ka soo gudubnay ayaa waxay yihiin kuwo hakad ku jira inta badan goobaha waxbarashada iyo ganacsiga ee ku yaala degmooyina Hodan iyo Waberi gaar ahaan agagaarka isgooska Km 4 ee magaalada Muqdisho
Sidoo kale gaadiidka BL-ka ah ee isaga kala gowsha magaalada Muqdisho ee isticmaala wadada Makka Al Mukarama  ay marayaan maalintii 3-aad wadiiqooyin Qarda jeex ah oo xaafadaha dhexdooda ah halkaasi oo inta badan gaadiidka iyo rakaabka saran ay kala kulmaan dhibaatooyin  dhanka ammaanka iyo iyagoo waqti aad u dheer ku bixiya gaarista halka ay ku socdeen.

Add New Comment