Afhayeenka dhanka Howgalada Maxkamadaha Islaamiga shiikh C/raxiin Cisse Caddow ayaa sheegay inay kala dhexgeli doonaan dhinacyada dagaalamaya haddii aysan joojin dagaalada.

Shiikh C/raxiin Cisse Caddow waxa uu  yiri reer Muqdisho way yaqaanan siday isaga celiyaan dadka dhibaatada ku haaya oo caburiyay , waxaa u  wannaagsan kooxaha dagaal oogayaalka ah inta ayan kacdoon iyo dagaal aysan galin reer Muqdisho in dhibaatada laga daayo .

Waraysii uu Shiikha uu siiyay shabakadda Aljazeera waxa uu sheegay inay mudnayd in la tixgeliyo baaqii culimada Islaamka lana ixtiraamo go'aankii ay soo jeediyeyn oo la dhaqangeliyo si dhiigga shacabka iyo hantidiisaba loo nabadgeliyo.Shiikha waxa uu warkiisa kusoo gooyay haddii  kuwa dagaalamaaya haddii Culumada , Ganacsatada iyo shacabka reer Muqdishu  ay ku qanci waayaaan baaqyadooda nabadeed   in kooxdiisa aysan dib ugu  fiirsan doonin dhibka lagu hayo shacabka reer Muqdishu oo ay si Caskarinimo ay usoo faragelin doonaan kana qaban doonaan inta karankooda ah kooxaha dagaal ogayaasha dibaada ku haaya shacanka reer Muqdishu.

Add New Comment