waxaa dhammaan ummadda Soomaaliyeed lala socodsiinayna in ay waxba ka jirin waxa lagu soo qoray http://qaranimo.com iyo http://www.somaliweyn.com ee ku saabsan duubis Suldaan Silcis


Fariin qoraal ah oo hadda  naga soo gaartay golaha dhaqanka jufooyinka beesha Silcis Gorgaate, warkaas oo lagu sheegay in koox qaswadayaal ah una dhashay beesha ay Hotel Lafweyn ee magaalada Muqdishu ay maanta sheegteen in ay ku duubeen Suldaan, kaaso dhammaan golaha dhaqanka beesha Silcis Gorgaate ay diideen kana soo horjeesteen falka ay ku kaceen kooxdaasi qaswadayaasha ah.
Waxay intaasi ku dareen in kooxdaasi qaswadayaasha ah talaabo cad oo sharciga waafaqsan laga qaadi doono,waxay goloha dhaqanka beesha Silcis Gorgaate waydiisanayaa websit yada Soomaaliyeed in aysan faafin war aan si rasmi ah uga soo bixin Waxgaradka,Xildhibaanada,Saraakiisha iyo Nabadoonada u dhashay beesha Silcis Gorgaate.
wixii faafaahin ah ee ku soo kordha arrintani been-abuurka ah waxaa si toos ah kala kala socon doontaan
websitka   http://www.silgor.com

Add New Comment