Dagaal Culus iyo duqeymo saakay laysku dhaafsaday Muqdisho

Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Dalka Soomaaliya ayaa saaka waxaa mar kale ka dhacay dagaal u dhaxeeya Ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo Ciidmada Amisom oo isku dhinac ah iyo xoogag u daacad ah Xisbul Islaam oo ka soo horjeeda.
Dagaal Culus oo fool ka foolka ah iyo duqeyn hoobiyayaal iyo madaafiic ayaa laysku dhaafsaday Magaalada Muqdisho kuwaasoo ay waxyeelo ka soo gaartay dad shacab ah.
Khasaaraha  weyn & barakac balaaran ayaa ka dhacay Magaalada Muqdisho kadib markii labad dhinac ee is hayaa ay si daran doori ah isugu rideen hubka culus.
Dagaalka  mar kale saaka kasoo cusboonaaday Magaalada waxaa Madfac ku dhacay Dugsi Qur’aan ku yaala Xaafadda Towfiiq ee Degmada Yaaqshiid kasoo geystay dhimashada Arday wax ka baranaysay Dugsigaas iyo dhaawacaba.
Xaafado dhowr ah oo ka tirsan Degmada Hodan oo dhawaanahan ay ku soo noqonayeen dadkii horay uga barakacay ayaa hadda mar kale laga sii barakacayaa kadib markii ay kusoo hoobteen Madaafiic habow ah, sidoo kale  Madfac  ku dhacay meel u dhaw  Suuqa Bakaaraha ayaa isna wuxuu geystay dhimasho iyo dhaawac aan weli la ogeyn  inta uu la 'egyahay.
Dadka ku dhintay iyo kuwa ku dhaawacmay dagaalladii shalay ilaa saaka ka dhacay Magaalada Muqdisho ayaa waxay gaarayaan 40 dhimasho ah inta la ogyahay iyo dhaawac kor u dhaafaya 100 ruux, waxayna dhamaan dadkaasi wada yihiin dad rayid ah .
Warka ugu dambeeyay ee naga soo  gaaray Magaalada Muqdishu waxay sheegayaan in ay deganaan ka muuqato  goobaha ay dagaalada shalay iyo saakay ay ka dheceen iyadoo ay sii kordhayaan qasaaraha ka dhasay dagaaladaasi.


Add New Comment