Golaha Dhaqanka Beelaha Hawiye oo ku baaqay in dagaallada la joojiyo


Odayaasha Dhaqanka iyo Midnimada Beelaha Hawiye ayaa wax laga xumado ku tilmaamay dagaalada maanta ka dhacay magaalada muqdisho kuna baaqay in dagaallada si degdeg ah loo joojiyo lagana wada shaqeeyo nabadda.

 

Afhayeenka Golaha Dhaqanka iyo Midnimada Beelaha Hawiye nabaddoon Axmed Diiriye Cali oo maanta ka hadlayey kulan hal sano oo dheereed ah loogu kordhiyay sii shaqeynta Golaha Dhaqanka iyo Midnimada Beelaha Hawiye ayaa waxaa uu wax laga xumaado ku tilmaamay dagaalladii iyo duqeymihii maanta ay dadka badan ku dhinteen ee ka dhacay gudaha magaalada Muqdisho.

 

“Waa wax laga Xumaado dagaalna ma doonaynin in uu ka dhacoxiligaan magaalada,waxaana ugu baaqeynaa kuwa is dagaalaya in ay dagaalada joojiyaan oo ay illaah ka cabsadaan xabad xal laguma gaarayo”ayuu yiri Afhayeenka Dhaqanka iyo Midnimada Beelaha Hawiye.

 

Xaaji Axmed Diiriye Cali Afhayeenka Golaha Dhaqanka iyo Midnimada Beelaha Hawiye ayaa waxaa uu sheegay in dagaaladu ay leeyihiin qodobo u gaar ah  isagoo ku cel celiyay in uu dalbanayo joojinta dagaalada ka dhacay gudaha magaalada Muqdisho.

 

Hadalkaan ka soo yeeray odayaasha dhaqanka iyo midnimada Beelaha Hawiye ayaa waxaa uu ku soo aadayaa xili maaanta gudaha magaalada Muqdisho ay ka dhaceen dagaalo ay dad fara badani ku dhibteen kaasi oo ahaa kii ugu dhimashada badnaa tan iyo marka ay gudaha Soomaaliya ka baxeen ciidamada Ethiopia.


Add New Comment