Maxkamadaha Islaamiga oo iska fogeeyey in ciidankoodu wax lug ah ku lahaa dagaalkii maanta


Maxkamadaha Islaamiga ayaa caddeeyey sida ay uga xun yihiin dagaalladii maanta ka dhacay magaalada Muqdisho, sheegayna inaanay ciidamadoodu wax lug ah ku lahayn dagaaladaas.

 

Afhayeenka howlgallada Maxkamadaha Islaamiga Sheekh Cabdiraxiim Ciise Caddoow oo  la hadalayay warbaahinta ayaa sheegay inay aad uga xunyihiin dagaalldii maanta ka dhacay gudaha magaalada Muqdisho isagoo ku baaqay in dagaallada beddelkooda wada hadal wax lagu dhameeyo.

 

Sheekh Cabdiraxiim Ciise ayaa intaa ku daray in dagaalkaasi uu ahaa mid aan loo baahnayn isla markaana uu ku daadanayo dhiigga shacabka Soomaaliyeed,i sagoo ku tilmaamay dagaalladaasi kuwa xadgudub ku ah bayaanadii ay soo saareen Culumada Soomaaliyeed ee dhowaanta ku shiray magaalada Muqdisho.

 

Waxa kale oo uu afhayeenku sheegay in ay nasiib daro tahay in ruux sheeganaya mujaahid in uu u bax-baxsado daadinta dhiigga nin kale oo muslim ah islamarkaana rasaasta uu rido ay sababto dhimashada shacbi muslim ah sida uu hadalka u dhigay,waxaana uu tacsi u diray dhamaan dadkii ay ka geeriyoodeen  shacabkii maanta lagu laayey magaalada Muqdisho.

 

Hadalka Afhayeenka Maxkamadaha Islaamiga ayaa ku soo aaday xilli maanta magaalada Muqdisho uu ka dhacay dagaal ay ku dhinteen tiro ilaa iyo 25-qofood, kuna dhaawacmeen dad kor u dhaafaya 100.


Add New Comment