Dagaal kulu oo Muqdisho ka dhacay


In kabadan 15 ruux ayaa ku geeriyooday, ku dhowaad 80 qofna waa ay ku dhaawacmeen dagaal maanta ka dhacay magaalada Muqdisho, gaar ahaan xaafada Hodan.

Dagaalkan ayaa u dhexeeyay ciidamada dowladda KMG  iyo kuwa Midowga Africa (AMISOM) oo dhinac ah, iyo kooxo Islaamiyiin ah oo weerar ku soo qaaday fariisimada ciidamada.

Weerarka fool ka foolka ah ayaa waxaa bar bar socday, hoobiyayaal iyo madaafiic ay labad dhinac si daran doori ah isugu ridayeen, kuwaasoo ay waxyeelo ka soo gaartay dad shacab ah oo jooga xaafado ka baxsan aagga dagaalka.

dagaal.jpgMadfac ka dhacay meel u dhow isgoyska Zobe ayaa dad shacab ay ku dhinteen kuwaas oo u badnaa bukaano saf ugu jiray rug dhaqtar bukaan socod eegta ah.

Mid ka mid ah dadkii goobjoogayaasha ayaa idaacadaha u sheegay in lix qof ay ku dhimatay goobta,dhaawiciina lagu qaaday baabuurta caafimaadka deg dega.

Xaafada Buulo xuubay ayaa ka mid ah meelaha ay madaafiicfda ku soo dhacaysay oo ay dfad ku dhinteen, sidoo kale xaafada Howlwadaag laba ruux oo isku qoys ah ayaa ku dhintay. Sidoo kale suuqa bakaaraha ayaa madaafiici iyo hoobiyayaal ku dhacayeen.

Dadka dhaawaca ayaa badankood waxaa la geeyay isbitaalka Madina, agaasime ku xigeenka isbitaalka Daahir Maxammud ayaa warbaahinta u sheegay in dhaawaca uu yahay 58 ilaa hadana ay wali imaanayaan. Afar qof ayaa dhintay markii isbitaalka la keenay.

Dagaalkan waxaa sheegtay inay qaadeen isbahaysiga Xisbul Islaam sida uu BBCda u sheegay afhayeen u hadlay.


Add New Comment