Golaha Baarlamaanka Soomaaliya oo go’aansaday in uu u guuro Magaalada Muqdisho

Kulan ka dhacay Magaalada Jabuuti oo ay yeesheen  baarlamaanka dowladda KMG Soomaaliya waxay kaga  hadleen go'aanna ku gaareen in ay sida ugu dhaqsaha badan ugu guuraan gudaha wadanka Soomaaliya.Kulankan oo uu shir guddoominayay guddoomiyaha baarlamaanka ayaa gabo gabadiisii ay isla qaateen xubnaha baarlamaanka in laga guuro Jabuuti isla markaana loo guuro dalkii loo xil saaray oo ah Soomaaliya, xildhibanada qaarkood waxay soo jeediyeen inay ka haboon tahay magaalada Muqdishu  magaalooyin kale sida Jowhar ama Baladweyne iyadoo kuwa kalana ay soo jeediyeen in Garoowe loo guuro.ugu dambeystii xubnaha baarlamaanku waxay goosteen inay isu diiwaan geliyaan sidii ay u raaci lahaayeen diyaaradaha ku daadgureynayo gudaha wadanka Soomaaliya

Add New Comment