Madaxweynaha Soomaaliya Sh.Shariif iyo Wafdi uu hoggaaminayo ayaa Magaalada Muqdisho soo gaaray


Madaxweynaha Soomaaliya Shiikh Shariif Shiikh Axmed iyo Wafdi uu horkacayo iyagoo ka soo kicitimay wadanka Djibouti ayaa dib ugu soo laabtay Magaalada Muqdisho.
Wafdiga Madaxweynaha ayaa waxaa ka mid ahaa  dhowr Wasiir iyo howlwadeeno  ka tirsan Xafiiska Madaxweynaha; wafdiga madaxweynaha marka uu soo gaaray Moqdishu waxaa amaanka guud ee garoonka diyaaradaha iyo agagaarkiisa  si weyn u ilaalinayay ciidamada dowlada iyo weliba kuwa AMISOM,madaxweynaha oo saxaafada la hadlay kadib imashiyihiisa ayaa waxaa uu sheegay in uu aad uga xun yahay qaraxii ismiidaaminta ahaa ee shalay lala eegtay ciidamada AMISOM ee ciidamada badani ay uga geeriyoodeen.
Sidoo kale waxaa uu sheegay madaxweynuhu in uu aad u soo dhaweeynayo dedaalada ay wadaan culumaa’udiinka Soomaaliyeed iyo kuwa  kale ee ka socday culimadii ka socotay gudiga Culimaa’udiinka Islaamka ee dhawaan soo gaaray magaalada Muqdisho.

Ugu danbeeyntii madaxweynaha iyo wafdiga uu hogaaminayo ayaa waxaa loo soo galbiyay xarunta madaxtooyada ee Vila Soomaaliya .

Add New Comment