Qaramada Midoobay oo soo dhoweysay Golaha wasiirada cusub


FN.jpgWakiilka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Arimaha Somaaliya Axmed Walad Cabdallah ayaa soo dhaweeyay ku dhawaaqista golaha wasiirada cusub ee uu shalay galab ku dhawaaqay ra'iisal wasaare Cumar Cabdirashiid Cali Sharma'arke.

Walad Cabdalla ayaa ku sheegay in golaha wasiiradaasi yihiin kuwa ka caafimaad qaba  ka qaybqaadashada burburkii dalka, qibrad leh islamarkaana dhalinyaro ah waa sida uu hadalka u dhigaye, isagoona sheegay inuu rajeynaayo inay ka shaqeyn doonaan arrimaha nabadeynta.

Waxa uu intaa ku daray in ay tahay dhiirigelin weyn, sababtoo ah buu yiri waxa ay isugu jiraan gole wasiiro oo hore ee TFG da iyo wajiyo cusub oo ka socda dhinaca Isbaheysiga Dib-u-Xoeynta dalka.

Warkan uu soo saaray wakiilka Qaramada Midoobay ee armimaha Soomaaliya aya waxa uu shaaca kaga qaaday in todobaad ka dib ay golahan wasiirada la magacaabay ay ku laaban doonaan magaalaa Muqdisho halkaasoo ay ka howl geli doonaan islamarkaana ay xoogga saari doonan arrimaha nabadgelyada.

Waxa uu ugu danbeyn ugu baaqay dadka soomaaliyeed inay nabada kala shaqeeyaan dowlada cusub iyo sidii ay ay ku hirgeli lahyed islamarkana ka shaqeeynaay dhinaca amaanka.


Add New Comment