Madaxweyne Sheekh Shariif oo xoogagga kasoo horjeeda ugu baaqay inay siyaan fursad


presidB.jpgMadaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya  Sheekh Shariif sheikh Axmed ayaa  ugu baaqay xoogagga ka soo horjeeda dowladdiisa inay fursad u siiyaan si uu guto howsha uu u xilsaaran yahay.

 

Madaxweyne Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo  saxaafadda kula hadlayey magaalada caasimadda ah ee Jabuuti ayaa ugu baaqay xoogagga ka soo horjeeda dowladdiisa iyo dedaallada nabadeed ee socda, in ay taageeraan, kuna soo biiraan raadinta nabada si loo helo nabad waarta oo ka dhalata gayiga Soomaaliya.

 

Madaxweynaha ayaa  sheegay in hadii aysan ku ganacsanayn dadaladaasi dadka isaga ka soo horjeeda ay fursad u siiyaan in uu guto howlaha u yaalla, islamarkaana ay dib u dhigtaan waxyaabaha ay isaga kaga soo horjeedaan.

 

“Hadii aysan ku qanacsanayn waxaa aan wadno waxaan ka codsanaynaa in ay fursad nasiiyaan hadii ay arimo kale damacsanyihiin in ay dib u dhigtaan ayaan ugu baaqaynaa”Ayuu Yiri Madaxweyne Sheekh Shariif oo maalintii shalay saxaafadda kula hadlayay Magaalada Jabuuti.

 

Madaxweyne Sheekh Shariif ayaa mar kale ku celiyay in uu doonayo in dalka Soomaaliya uu ku dhaqo Shareecada islaamka,isagoona ku baaqay in loo baahanyahay in nabadda laga wada qeybqaato si looga baxo dhibaatada daba dheeraatay ee ka jirta dalka Soomaaliya.

 

Hadalka Madaxweyne Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa waxaa uu ku soo aadayaa xili maalintii shalay aheeyd la soo gaba gabeeyay shir culumo Soomaaliyeed  oo ka gala yimid dalka Dibadiisa iyo gudihiisa ay ku lahaayeen maalmihii u dambeeyay gudaha Magaalada Muqdisho,iyadoo shirkaasina laga soo saaray qodobo muhiim ah oo ka hadlayay marxaladda haatan dalka uu ku jiro.


Add New Comment