Odayaasha hawiye oo soo dhoweeyey jidgooyooyinkii laga qaaday magaalada Muqdisho


Afhayeenka Odayaasha Dhaqanka Beelaha Hawiye ayaa maanta  si weyn u soo dhoweeyey tallaabadii shalay lagu qaaday qaar ka mid ah jidgooyooyinkii yaalay gudaha iyo hareeraha magaalada Muqdisho.

 

DiiriyeS.jpgAfhayeenka Odayasha Dhaqanka Beelaha hawiye Xaaji Axmed Diiriye Cali ayaa soo dhoweeyey howlgalkii Guddiga Amniga Qaranka iyo Maxkamadaha Islaamigu ay ku qaadeen jidgooyooyinkii magaalada Muqdisho gaar ahaan tii shalayto laga qaaday isgoyska Ex Contarool Afgooye ee lagu geeyay ciidamo maxkamadahu ay leeyihiin.

 

Axmed Diiriye ayaa uga mahad celiyay Askarta dowladda KMG ah tallaabadii ay ku oggolaadeen inay ku laabtaan xerooyinkooda, isagana  tagaan isbaarooyinkii ay lacagaha ku qaadi jireen, waxaana uu tilmaamay in hadii arrintanu ay sidaan ku sii socoto ay billow wanaagsan u noqon doonto nabadgalyada magaalada.

 

Afhayeenka  ayaa sidoo kale ugu baaqay ciidamada dowladda in ay joojiyaan falaka isgu jira dilka, dhaca iyo muqaadaraadka ay isticmaalaan si ay dhinac uga raacaan ciidamada ay leeyihiin xoogagga kale ee magaalada gudaheeda ku sugan.

 

Shalay ayey aheeyd markii gudiga Amniga Qaranka ee uu dhowaan magacaabay Madaxweyne Sheekh Shariif ay qaadeen isbaaradii Ex contarool Afgooye ee askarta dowladdu ay lacago sharci daro ah uga qaadi jireen dadka rayidka ah iyo gaadiidka isticmaala taasoo qaadisteeda ay soo dhaweeyeen qeybaha kal duwan ee Bulshada.


Add New Comment