Midowga Yurub oo soo dhoweeyey doorasha madaxweyne Sh. Shariif

solana.jpgMidowga Yurub ayaa markii ugu horeeysay ka hadlay mowqifkooda ku aaddan natiijadii ka soo baxday doorashadii dalka Jabuuti lagu soo doortay Sheekh Shariif Sheekh Axmed inuu madaxweyne ka noqdo dowlad midnimo qaran oo ay Soomaaliya yeelato.

Madaxa siyaasadda iyo ammaanka Midowga Yurub Mr. Javier Solona  oo ka hadlayay doorashdii Madaxweyne Sheekh Shariif loo doortya in uu dalka Soomaaliya hogaamiyo ayaa sheegay inay soo dhoweynayaan dowladda iyo madaxweynaha cusub ee Soomaaliya, taageero hiil iyo hooba lehna garab tisaagayaan shacabka Soomaaliyeed.

Midowga Yurub wuxuu ugu baaqay kooxaha Soomaaliyeed ee ayagu aan ka qaybgalin heshiisyadii Jabuuti ee ay ka dhalatay dowladda Sheekh Shariif inay ka qaybqaataan geeddi socodka nabadda, shacabka Soomaaliyeedna ka samata bixiyaan dhibaatada.

Dhinaca kale Midowga Yurub ayaa looga fadhiyaa inay gacan ka geystaan dhaqaale lagu taageero ciidamada Midowga Afrika (AMISOM) ee nabad ilaalinta u jooga dalka Soomaaliya iyo weliba kuwo hor leh oo hadda kaddib imaan doona magaalada Muqdisho.

Taageeridda Midowga Yurub ayaa ku soo aadday waqti ay ururo caalami ah sida Qaramada Midoobay, Jaamacadda Carabta, Midowga Afrika, USA iyo dalal fara badan oo adduunka ah ay muujiyeen sida ay u taageersan yihiin madaxweyne Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo dowlad midnimo qaran oo ay Soomaaliya yeelato.



Add New Comment