Jidgooyooyinkii ciidamada dowladda oo intoodii badnayd la qaaday



Jidgooyooyinkii  ciidamada dowladda u yiil meelo farabadan oo magaalada Muqdisho ka mid ah ayaa intoodii badnayd la qaaday, laguna wareejiyey ciidamo ka tirsan Midowga Maxkamadaha  Islaamiga.

 5632[1].jpg

Afhayeenka Ciidamada Booliiska Soomaaliyeed Col Cabdullaahi Xasan Bariise ayaa sheegay in guud ahaan goobihii ay ku sugnaayeen ciidamada dowladda ee ay gaadiidka uga qaadayeen lacagaha sharci darrada ah ayaa la qaaday, kuwaasi oo lagu wareejiyay ciidamada Maxkamadaha Islaamiga Soomaaliyeed.

 

Ciidamada Dowladda oo dhibaato weyn ku hayey gadiidka BL-ka, kana qaadan jiray lacago xad dhaaf ah oo aan sharciga waafaqsaneyn ayaa goobaha laga qaaday waxa ka mid ah Ex-Control Afgooye iyo goobo kale oo fara badan oo ku yaalla gudaha magaalada caasimadda aha ee Muqdisho.

 

Weli wax war ah oo dhacdadan ku aaddan oo ka soo baxay dhanka Maxkamadaha Islaamiga Soomaaliyeed oo ku saabsan in ciidamadoodu ay kuwii dowladda kala wareegeen goobahaa ma jiraan.


Wixii warar ah ee arrintan ku soo kordha kala xiriira www.SilGor.com


Add New Comment