Odayaasha dhaqanka beelaha Hawiye oo ku tilmaamay dowrka ay culumaa'udiinka wadaan in dhibaatada dalka ka taagan looga bixi karo


odayhawiyeS.jpgOdayaasha Dhaqanka Beelaha Hawiye ayaa ku tilmaamay  dowrka ay culumaa'udiinka wadaan  in uu yahay kan kaliya ee looga bixi karo dhibaatada dalka ka taagan.

 

Gudoomiyaha Golaha Dhaqanka iyo Midnimada Beelaha Hawiye Max'ed Xasan Xaad oo la hadlayay warbaahinta ayaa sheegay in ay aad u soo dhaweeynayaan dedaalada ay wadaan culumaa'udiinka Soomaaliyeed iyo kuwa caalamka,waxana uu sheegay in dowrkooda uu ku soo aaday xili Umadda Soomaaliyeed ay u baahnaayeen.

 

Xaad ayaa intaasi ku daray in arimaha dib u heshiisiinta ay tahay mid loo baahan yahay isla markana muhiim ay tahay in la dhaqan galiyo.

 

"Waanu soo dhaweeyneeynaa dedaalka ay wadaan Culumaa'udiinka Soomaaliyeed waxana uu ku soo aaday xili baahi weyn loo Qabay dedaalkooda" ayuu yiri Gudoomiyaha odayaasha dhaqanka Beelaha Hawiye.

 

Hadalka ku aadan dedaalka ay wadaan Culumaa'udiinka ee ka soo yeray Max'ed Xasan Xaad ayaa ku soo aadaya xili dhawaanahani ay Culumaa'udiinka Soomaaliyeed wadeen Musaalixo ay ku dhex dhexaadinayaan dhinacayada Siyaasad ahaan isaga soo hora jeeda dalka Soomaaliya.


Add New Comment