Dowladda Masar oo casumaad u fidisay Madaxweyne Sheekh Shariif



presidB.jpgDowlada Masar ayaa casuumaad rasmi ah u fidisay Madaxweynaha dowlada EgyptflagB.jpgSoomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed, ayadoo casuumadaasina ku tilmaantay mid ay madaxweynaha wada tashi kala sameynayaan arrimo ku aaddan xaladda Soomaaliya iyo sidii nabad loogu soo dabbaali lahaa.

Xoghaynta wasaarasadda Arrimaha Dibedda ee dalka Masar Munah Omar ayaa u sheegtay saxaafada in warqadda  casumaadda ah ee ay u direen Madaxweynaha Soomaaliya ay tahay mid la doonayo in labada dowladood ay kaga wada hadlaan cilaaqaadka ka dhaxeeya iyo arrimaha ammaanka ee dalka Soomaaliya iyo sidi dowlada Masar ay ugu qeyb qaadan lahaayeen arrimaha dib u hishiisiinta ee socda.

Waxa ay intaas ku dartay in ahmiyad weyn ay dowlada Masar siineyso arrimaha Soomaaliya iyadoo sheegtay in dowlada Masar ay aaminsan tahay in madaxweynaha cusub uu nabad ku soo dabaali doona dalka Soomaalia ee ay dagaaladu aafeeyeen  mudada ku dhow 20 sanadood.

Iyadoo kooxaha mucaaradka ee ka soo horjeeda oo iyagu ku baaqay dagaal ka dhan ah dowlada Somaaliya ayaa dowlada Masar waxa ay ugu baaqday inay joojiyaan dagaalada islamarkaana wax walba lagu dhameeyo wada hadal, halkii dagaal laga sii wadi lahaa.

Waa casumaaddii ugu horeysay ee Madaxweynaha uu ka helo dowlad Carbeed oo awood ku leh uruka Jaamacada Carabta waxaana dowlada Masar ay sheegtay in ay ku rajo weyn yihiin in uu aqbali doono madaxweynaha casuumada ay u fidiyeen.

Add New Comment