Barlamaanka Soomaaliya oo weli diiddan liiska xubnaha Bulshada Rayidka

Waxaa weli aad u kacsan xiisaddii u dhaxeysa hoggaanka sare ee Baarlamaanka Midnimada Qaran iyo Ururrada Bulshada Rayidka ah ee iyagu ku sugan dalka Jabuuti, waxaana xubnaha matalaya Bulshada Rayidka ah oo Baarlamaanka loo gudbiyay magacyadooda uu iska diiday hoggaanka sare ee Baarlamaanka midnimada Qaranka.

Guddoomiye K/Xigeenka Koowaad ee Baarlamaanka Soomaaliya Prof. Maxaqmed Cumar Dalxa ayaa sheegay inay iska diideen liiska ay soo gaarsiiyeen ururrada bulshada rayidka ah, waayo buu yiri liiska ay soo gudbiyeen ma aha mid sax ah oo ku qotoma nidaamka 4.5-ta.

Prof. Dalxa waxa uu sheegay in liiska xubnaha ururrada bulshada rayidka ah uu gebi ahaanba qaldan yahay, waayo bay yiraahdeen waa in lagu saleeyo qaab qabiil, isagoona tilmaamay in ururro bulsho wax ay yihiin ay wada yaqaanaan shacabka Soomaaliyeed iyo beesha caalamkaba.

Dhinaca kale ururrada bulshada rayidka ah, ayaa iyagu aad uga carooday arrintan, waxaana sarkaal u hadlay ururrada bulshada rayidka ah uu sheegay in faragelin lagu hayo bulshada rayidka ah, isla markaasina arrintaasi ay ka dambeeyaan kooxo uu ku tilmaamay inay yihii cadow dalka ku soo duulay.

Add New Comment