Dowalada Ethiopia oo maleeshiyaad Soomaali ah ku uruurineeysa dhulka ismaamulka Soomaalida Ethiopia.

Dowalada Ethiopia ayaa maleeshiyaad Soomaali ah ku uruurineeysa dhulka ismaamulka Soomaalida Ethiopia.

 

 

Dawlada Ethiopia ayaa waxaa ay maleeshiyaad aad u farbadan oo Soomaali ah ku uruurinaysaa degaano ka tirsan dhulka ismaamulka Soomaalida Ethiopia kuwaas oo ay ka kala keentay gobalo kala duwan oo ka tirsan dalka Soomaaliya

 

Warar aanu ka helnay illo wareedyo kala duwan ayaa xaqiijiyay in dawlada Ethiopia ay maleeshiyaad Soomaali ah oo ay la socdaan xubno ka tirsanaan jiray dawlada federal-ka ah ay hadda ku uruurinayso xiro military oo ku taala degmada Mustaxiil ee dhulka ismaamulka Soomaalida Ethiopia halkaas oo la filayo in dhawaan uu uga bilawdo tabar ay bixinayaan saraakiil sar sare oo Ethiopian ah oo dhawaan halkaas soo gaaray

 

Xubno diiday in lamagacaabo oo tagay halkaasi ayaa idaacadda Shabelle u xaqiijiyay in maleeshiyaadkaan laga kala keenay gobalo ay ka mid yihiin Mudug Galguduud Hiiraan Bay iyo Bakool ayna la socdaan xubno madax ah oo dagaal lagaga saaray gobalda Hiiraan,Bay iyo Bakool

 

Goobta lagu xaraynayo maleshiyaadkaan ayaa ah xero caan ku ah maleeshiyaadka Soomaalida ah lagu bixiyo tababaradooda oo lagu magacaabo Qaw  taas oo ku dhaw degmada Mustaxiil,waxaana dhawaan la gaarsiiyay maleeshiyaad laga soo qaaday degmada Feer Feer ee ismaamulka Soomaalida Ethiopia si ay qayb uga noqdaan tababarka halkaasi ka furmaya

 

Macadda halka ay ku wajahayso Ethiopia maleeshiyaadkaan iyo cidda ay u tababarso balse waxaa uu ku soo aadayaa xili dhawaan ra’iisul wasaaraha Ethiopia melles Zanawi uu sheegay in uu taageerayo waxa uu ku tlmaamay beelaha la dagaalamaya Al shabaab haddii ay waydiistaan taas isla markaana uu ku celceliyay in haddii uu dareemo baahi uu soo faragalinayo mar kale dalka Soomaaliya

 

Majiro war ku saabsan dhaqdhaqaaqyada Ethiopia oo kasoo baxay hogaanka dawlada midnimada Qaran oo horay ugu baaqay nabad ay ku wada noolaadaan dalalka dariska la ah Soomaaliya,waxaana tilaabooyinka Ethiopia ay u muuqdaan kuwo kaabaya fikirka ah in Ethiopia aanay ku qancayn nabad waarta oo ka hanaqaaday dalka Soomaaliya ayna markasta kaydsato mucaarad ay ku wajahdo nabad ka dhalata Soomaaliya.

Add New Comment