Ra'iisal wasaare Cumar Cabdirashiid oo sheegay inuu la kulmayo Al-Shabaab

prime1.jpgRa’iisal Wasaaraha xukuumadda midnimada Qaran mudane Cumar Cabdirashiid ayaa markii ugu horeysay sheegay inuu kulan la yeelanayo kooxda Al-Shabaab oo iyadu ka mid ah kooxaha ka soo horjeeda xukuumadiisa, wuxuuna intaa ku daray inaysan jirin wax sabab ah oo isaga iyo Madaxweyne Sheekh Shariif looga hor yimaado laguna sii wado dagaalada haatan ka socda gudaha dalka.

Waxa kale oo uu Ra’iisal Wasaaruhu sheegay  in Soomaaliya ay ku soo jirtay dagaallo sokeeye iyo fowdo keentay kala dambeyn la’aan, sidaas daraadeed loo baahan yahay in maanta gacmaha laysu qabsado sidii dadka iyo dalkaba loo badbaadin lahaa.

“Ma jirto sabab ururka Al-Shabaab uu dagaalada ku sii wadi karo” sidaa waxaa yiri Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya oo dhinaca kale sheegay inuu diyaar u yahay inuu wadahadal ku dhameeyo khilaafka dowladdiisa iyo mucaaradka u dhexeeya.   

Mudane Cumar ayaa sidoo kale sheegay  inuu doonayo inuu bal marka hore ogaado koox kasta ujeeddadeeda iyo waxa ay tabaneyso, kaddibna uu diyaar u yahay in la xalliyo wax kasta oo suurtagal ah.

Haddaba waxaan weli la ogeyn waxa kasoo bixi doona dhinaca xoogagga muqaawamada ee uu Ururka Al-Shabaab ka midka yahay oo ayagu muujiyey sida ay u diiddan yihiin dowladda Midnimada Qaran ee uu hoggaamiyo Madaxweyne Sheekh Shariif Sheekh Axmed.



Add New Comment