Madaxweynaha Jabuuti oo casha sharaf u sameeyey madaxda Soomaaliya

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti Ismaaciil Cumar Geele ayaa xalay xaflad casho sharaf ah ugu sameeyey magaalada Jabuuti masuuliyiinta dowladda Soomaaliya isagoona halkaas kasoo jeediyey talooyin wax ku ool ah.

 

Madaxweynaha dowladda midnimada Qaran Sheekh Shariif Sheekh Axmed Ra’iiul wasaraha Soomaaliya Cumar Cabdirashiid, gudoomiyaha barlamaanka iyo xildhibaano kor u dhaafaya illaa 200  ayaa xalay magaalada Jabuuti ee dalka Jabuuti uga qeyb galay xaflad casho sharaf ah oo uu ku casuumay madaxaweyne Ismaaciil Cumar Geelle Madaxweyneha Dowlada Jabuuti.

 

Xaflada oo ay ka wada hadleen masuuliyiinta labada dhinac ayaa waxa madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle uu kula dardaarmay Madaxweyne Sheekh Shariif in uusan fududeeysan xilka saaran isla markaana uu xil weyn iska saaro dhibaato ka bixinta umadda Soomaaliyeed.

 

Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geele ayaa sidoo kale kula dardaarmay Ra’iisul wasaaraha cusub in uu isna ka dheeraado wax waliba oo qilaaf soo kala dhex dhigi kara isaga iyo Madaxweynaha sida Ra’iisul wasaarayaashii ka horeeyay isaga,waxaana uu kula dardaarmay in laga sugayo in uu soo dhiso xukuumad dalka ka saarta dhibaatada oo loo dhan yahay.

 

Sidoo kale Madaxweyne Geele ayaa guddoomiyaha baarlamaanka iyo Xildhibaannada ugu baaqay in aysan qalqal galin howlaha xukuumadda.

 

Madaxweye Sheekh Shariif Madaxweynaha dowladda midnimada Qaran oo hadal kooban halkaasi ka jeediyay ayaa waxaa uu sheegay in ay abaal buuxa  u hayaan Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geele, xukuumadda iyo Shacabka reer Jabuuti sida ay mar waliba isu garab taagaan walaalahooda Soomaaliyeed ee ay dhibaatada heysato.

 

Add New Comment