Dowladda Mareykanka oo taageertay magacaabista ra'iisal wasaaraha


Warsaxaafadeed ka soo baxay xafiiska warfaafinta ee safaaradda dowlada Mareykanku ku leedahay magaalada Niarobi ee dalka Kenya ayaa lagu sheegay in dowlada Mareykanka ay soo dhaeweyneyso magacaabista Ra’iisalwasaarah cusub ee Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharma’arke.

War saxafeedkan ayaa lagu yiri dowlada Mareyknka ee uu Obama hoggaamiyo waxay taageereysaa hannaanka dowladeed ee Sheekh Sharriif madaxda u yahay ee ka soconaya Soomaaliya iyagoo sheegay in Soomaaliya ay haatan cagaha la heshay dhabbihii nabadda, kaddib markii uu Madaxweynuhu magacabay nin aqoon u leh howsha maamul ee dowladda Soomaaliya.

Warbixntan ay  soo saartay dowlada Mareykanka oo loo qeybiyay saxaafada ayaa waxaa lagu yiri “Soomaalida jecel nabadda, neceb xagjirnimada iyo argaxisanimada waanu taageereynaa kuwaoso doonaya nabad inay ku soo celiyaan Soomaaliya islamarkaana ay ka shaqeeyaan dib u dhiska dalkooda”.

Sida la wada ogsoon yahay Dowlada Mareykanka ayaa arrimaha Soomaaliya ku lug laheyd 18kii sanno ee la soo dhaafay iyadoo markaasi lacag iyo hubba siin jirtay kooxo kala duwan oo isku heystay awoodda dalka laakiinse haatan lama oga halka ay iska taagi doonto mowqifka Soomaaliya inkastoo xiriirka Madaxweyne Sh. shariif iyo Mareykanka uu haatan wanaagsan yahay.

Ra’isal-wasaare Cumar Sharma’arke ayaa waxa uu sanadihii u danbeeyay joogay Niarobi, isagoo ahaa xiriiriyaha dowlada KMG iyo dowlada Mareykanka waa nin ay si fiican isku yaqaanaan safiirka dowlada Mareykanka u fadhiya magaalada Niarobi, sidoo kale waxaa Ra’isal wasaraha cusub soo dhaweysay dowlada Canada oo uu muwaadin u yahay iyago ku tilmaamay in nin u dhashay kanada uu aslaaxin doono waddanka ay colaaduhu baabi‘iyeen ee Soomaaliya.


Add New Comment