Maraeykanka oo Nigeria ka codsaday inay soo dedejiso ciidamadii horey loogu ballamay in Soomaaliya loo diro

Dowladda Maraykanka ayaa ka codsatay dowladda Nigeria in ay soo dedejiso ciidamada ay u soo dirayso dalka Soomaaliya si ay uga mid noqdaan ciidamada Midowga Africa ee Soomaaliya u jooga nabad-ilaalinta.

 

susanRiceB.jpgMadaxa ergada Maraykanka ee Qaramada Midoobay Mrs Susan Rice ayaa ugu baaqday dowladda Nigeria in ay soo dedejiso dadaalka ay ciidamo nabad-laalineed ugu soo dirayaan dalka Soomaaliya sida ay sheegtay Wakaaladda wararka ee wadanka Nigeria NAN.

 

Dowladda Nigeria ayaa horey u sheegtay inay qorsheynayso hal guuto oo ciidamadeeda ka mid ah inay u soo diri doonto dalka Soomaaliya si ay qayb uga noqdaan ciidamada Midowga Afrika ee Soomaaliya u jooga howsha nabad-ilaalineed.

 

Mrs Rice oo booqatay dhiggeeda waddanka Nigeria maalinnimadii Jimcaha ayaa u sheegtay in Nigeria laga sugayo inay oofiso ballantii ay hore u qaadday ee ahayd inay qayb ka noqoto dadaalka waddamada Afrika ay ciidamo nabad ilaalineed ugu soo dirayaan waddanka ay dagaallada sokeeye halakeeyeen ee Soomaaliya.

 

Nigeria ayaa horay u sheegtay in ciidamadeedu ay diyaar u yihiin in ay u soo dhaqaaqaan Soomaaliya balse ay jiraan arrimo muhiim ah oo dhinaca tas-hiilaadka iyo farsamada ah oo loo baahanyahay in la fuliyo ka hor inta aysan ciidamadeedu Soomaaliya u soo dhaqaaqin.

Add New Comment