Barlamaanka Soomaaliya oo ansixiyey magacaabista Ra'iisal wasaaraha


soflagB.jpgGolaha Barlamaanka Soomaaliya ayaa kalsooni buuxda siiyey Ra'iisul wasaare Cumar Cabdirashiid oo uu shalay xilka u magacaabay Madaxweyne Sheekh Shariif, kaddib markii ay cod aqlabiyad ah ku ansixiyeen sharcinimada magacaabistiisa.

 

Fadhiga lagu ansixiyey Ra'iisal wasaare Cumar ayaa ka dhacay Gurigda Umamdda ee dalka Jabuuti, owaxaana soo xaadiray xildhibaano tiradoodu gaareysay 425 xildhibaan oo 414 ka mid ah ay u codeeyeen Ra'iisal wasaaraha, halka 9 mudane ay ka soo horjeesteen iyo 2 xildhibaan oo ka aamustay.

 

Goobta ay codeyntaasi ka dhacaysay ayaa waxa goobjoog ka ahaa Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya mudane Sheekh Shariif Sheekh Axmed, Guddoomiyaha Barlamaanka Soomaaliya mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Sh. Aadan Madoobe), Ra'iisal wasaaraha cusub ee Soomaaliya mudane Cumar Cabdirashiid, ergo ka kala socotay Qaramada Midoobay iyo Beesha Caalamka.

 

Ra’iisul wasaaraha oo goobta ka hadlay ayaa waxaa uu sheegay in uu si deg deg ah k soo dhisi doono xukuumad wax ka tari karta samatabixinta dalka Soomaaliya, isagoo carabka ku dhiftay in muhiimadda koowaad uu saarayo sidii dib loogu soo celi lahaa dadkii ka barakacay gudaha magaalada Muqdisho.

Add New Comment