QM oo soo dhoweysay magacaabista Ra'iisul wasaaraha cusub


FN.jpgQaramada Midoobay ayaa taageertay magacaabista uu Madaxweyne Sheekh Shariif xilka Ra’iisul wasaarenimo u magacaabay Cumar Cabdirashiid Cali Sharma'arke, uguna baaqday beesha caalamka in la taageero xukuumadda cusub ee uu soo dhisi doono Ra'iisul wasaaraha.


Wakiilka gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay  u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Axmed Walad Cabdalla ayaa sheegay in ra'iisul wasaaraha cusub ee Soomaaliya uu yahay mid si wanaagsan u gudan kara xilka loo magacaabay, isla mar ahaantaana wax ka qaban kara dhibaatada daba dheeraatay ee Soomaaliya.

 

“Anniga waxa ay ila tahay in uu yahay Shaqsi leh xushmad kaasi oo la shaqeyn kara madaxweynaha prime1.jpgislamarkaana dhameyn kara xaaladda Soomaaliya”ayuu yiri Ergayga gaarka ah ee QM u qaabilsan Soomaaliya Axmed Walad Cabdala.

 

Axmed Walad Cabdala waxa uu sidoo kale sheegay inuu ku dadaali doono in Qaramada Midoobay iyo beesha caalamkuba ay si weyn u taageeraan dowladda Soomaaliya loo dhisay,i sagoo si weyna ugu mahad celiyay dowladda Jabuuti ee marti galisay shirkii dib-u-heshiisiinta iyo dadaalka dib loogu dhisayo dowlad ay Soomaaliya yeelato.

 

Ugu dambayntii ayaa waxaa ugu baaqay dhamaan shacbiga Soomaaliyeed in ay taageeraan Ra’iisul wasaaraha cusub islamarkaana sida ugu dhaqsiyaha badan loo dhammeystiro arimaha dib u heshiisiinta.


Add New Comment