Madaxweynaha Soomaaliya oo Cumar Cabdirashiid u magacaabay Ra'iisal wasaare

pm.jpg
Madaxweynaha Somaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqay in Dr. Cumar Cabdirashiid Cali Sharma'arke oo ah wiil uu dhalay madaxweynihii labaad ee Soomaaliya uu yahay raiisal wasaaraha cusub ee Jamhuuriyadda Soomaaliya. 

Dr. Cumar Cabdirashiid Cali Sharma'arke waa 48 jir ku taqasusay cilmiga dhaqaalaha, wuxuuna waxbarashadiisii jaamacadeed kusoo qaatay Soomaaliya oo uu kaga baxay kulliyadda dhaqaalaha ee Jaamacaddii Ummadda iyo waddanka Canada.

Ra'isal wasaare Cumar waa nin da' yar, aqoontiisu ay sarreeyso, aan wax lug ah ku yeelan dagaalladii sokeeye ee Soomaaliya, asxaab fara badanna ku leh bulshada ku dhaqan magaalada Muqdisho, taageero ka heysta beesha caalamka, lagana filan karo inuu wax badan ka qaban karo dhibaatooyinka Soomaaliya.

Ra'isal wasaare CumarCabdirashiid waxa uu la soo shaqeeyay hay'ada Qaramada Midoobay u qaabilsan gargaarka  baniaadanimo ee gobolka Daarfuur ee dalka Suudaan, maalmihii dambena waxa xarun u ahayd oo uu howlihiisa ka maareyn jiray magaalooyinka Nairobi iyo Dubai.

Mr. Cumar ayaa looga fadhiyaa inuu soo dhiso xukuumad hesha taageerada ummadda Soomaaliyeed iyo weliba beesha caalamka, waxaa sidoo kale laga sugayaa sida ay xukuumaddiisu u wajahdo geeddi socodka nabadda ee Soomaaliya iyo wax ka qabashada dhibaatooyinka dhaqan-dhaqaale ee heysta Soomaaliya.



Add New Comment