Madaafiic lagu garaacay Dekeda Muqdisho oo uu ku xiran yahay Markab Saanad Milateri u sida AMISOM


Howlihii Dekeda weyn ee Magaalada Muqdisho ayaa hakad galay, kadib markii uu ku soo xirtay Markab weyn oo saanad milateri u sida Ciidamada AMISOM ee ku sugan Magaalada Muqdisho, iyadoona soo xirashada Markabkaas kadib la maqlay dhawaqa Madaafiic Hoobiyeyaal ah oo lagu tuuray Dekeda.

dekedB.jpgWararka ka imaanaya Dekeda ayaa sheegaya in tiro Hoobiyeyaal ah ay ku kala dhaceen gudaha iyo hareeraha Dekeda, taasoo ilaa iyo hada la soo sheegin inay qasaare geysteen, hase yeeshee waxaa qal qal weyn soo wajahay dadka ku dhaqan Degmooyinka Xamar Weyne iyo Xamar Jajab.

Xoogaga Alshabaab ayaa sheegtay Mas'uuliyada weerarka Hoobiyeyaasha, waxaana Saraakiisha Alshabaab sheegeen in Madaafiic ay la beegsadeen Markabka Saanad Milateri u wada AMISOM.

Markabka ayaa la sheegay inuu soo xirtay saaka subaxdii waxaana la joojiyay howlihii dekeda ka socday, waxaana mar kaliya isku gadaamay Markab Ciidamada AMISOM.

Goob joogayaal ayaa sheegaya in Markabka uu sida Saanad Milateri iyo Sahay isugu jira raashiin iyo dawo caafimaad, kaasoo ilaa iyo hada aanay dejintiisa bilaaban.

Afhayeen u hadlay Ciidamada AMISOM oo la yiraahdo Brigiye Bahoku ayaa beeniyay in Markabka uu wado Saanad Milateri, isagoona qeexay in Markab uu yahay mid deeq ah oo ay soo gaarsiisay Qaramada Midoobey, wuxuuna sheegay in alaabo kala duwan oo sahay ay ku jiraan.

Add New Comment