Sierra Leone oo saraakiil Boliis ah u soo direysa Soomaaliya

sierra.jpgDowladda Sierra Leone ayaa sheegtay inay 80 sarkaal oo boliis oo nabad ilaalineed   u soo direyso dalka Soomaaliya si ay qayb uga noqdaan ciidamada ka socda Midowga Afrika ee AMISOM ka jooga dalka Soomaaliya.

Oggolaashaha ay Sierra Leone oggolaatay inay ciidamo nabad ilaalineed u soo dirto Soomaaliya ayaa timid kaddib markii Midowga Afrika uu ka codsaday dalal fara badan oo Afrikaan ah inay soo dhammeystiraan ciidamadii uu Ururku hore u ballan qaaday ee tiradoodu ahayd 8-da kun, ciidamadan ay Sierra Leone soo direyso ayaa ah saraakiil loogu tala galay inay tababarro siiyaan ciidamada Booliska Soomaaliyeed.

Sidoo kale waxaa jawaab rasmi ah laga sugayaa wadamada Ghana iyo Nigeria kuwasoo codsi la gaarsiiyay balse dalbaday in dhinaca saanada meletiri laga caawiyo tasoo midowga Afrika ay ka meer meerayaan.

Lama sheegin xilliga ay iimanayaan srakiisha tiradooda gaareysa ilaa iyo 80ka lakiin taliyaha boliiska mr Kamara waxaa uu sheegay in goor dhow ay ciidamadooda kla tagi doonan wadamada Sudan iyo Soomaaliya.

Add New Comment