Madaxweyne Shariif oo gaaray magaalada Addis Abeba

madaxweyne.jpgMadaxweyne Shiikh Shariif iyo Wafdi uu hogaaminayo ayaa ayaa ka degay magaalada Addis Abeba  ee xarunta dalka Ethiopia si  ay uga qeyb galaan shirka madaxda Midowga Africa.

 

Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo ay safarkiisa ku wehliyaan wafdi heer sare ah oo ay ka mid yihiin sii haya xilka Ra'iisul wasaaraha Soomaaliya Nuur Xasan Xuseen (Nuur Cadde) iyo xubno ka tirsan barlamanka isku dhafka ah ayaa  maanta barqadii ka duulay magaalada Jabuuti ee xarunta dalka Jabuuti ayagoo ku sii jeeday magaalada Addis Abeba ee dalka Ethiopia halkaasoo uu ugu qeyb gali doono markii ugu horaysay kulan caalami ah oo ay leeyihiin madaxda Midowga Africa.

 

Madaxweyne Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa waxaa gegida diyaaradaha caalamiga ah ee Jabuuti ku sii sagootiyay xubno ka tirsan dowladda Jabuuti, barlamaanka Soomaaliya iyo ergadii beesha caalamka ee ka qaybgalay doorashadii ka dhacday halkaas.


Madaxweynaha Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa la filayaa inuu inta uu socdo shirka la kulmi doono madax fara badan oo Afrikaan ah, kuwaasoo sida la og yahay ay ka wada hadli doonaan arrimaha ku saabsan waddanka Soomaaliya iyo sidii loo sii adkeyn lahaa xiriirka ay Soomaaliya la leedahay waddamadaas.


Add New Comment