Hogaanka Maxkamadaha ee gudaha dalka oo soo dhaweeyay doorashada Shiikh Shariifa kuna baaqay in la sameeyo ciidamo qaran oo biloow ay u yihiin xoogaga Muqaawamada.

Hogaanka Maxkamadaha ee gudaha dalka ayaa soo dhaweeyay doorashada Shiikh Shariifa,waxaana ay ku baaqeen in la sameeyo ciidamo qaran oo biloow ay u yihiin xoogaga Muqaawamada.

 

Kadib bayaan ka kooban 5-qodob oo ay ka soo saareen magaalada Muqdisho hogaanka Maxakamadaha islaamiga ee gudaha dalka ayeey ku taageereen shirkii Jabuuti ee lagu doortay Shiikh Shariif Shiikh Axmed oo mar horay u ahaan hogaamiyihii Maxaakiimta Islaamiga Soomaaliyeed.

 

 

Bayaanka ayaa sidoo kale lagu sheegay in la sameeyo ciidamo qaran oo laga soo bilaabayo kuwa Muqaawamada oo dagaal badan la galay cadawaga sida la sheegay si looga maarmo ciidamo shisheeye iyo kuwa haatan ku harsan dalka gudihiisa.

 

Bayaankani oo uu u aqrinayay afhayeenka dhanka howlagalada maxaakiimta islaamiga sheikh C/raxiin Ciise Cadoow ayeey ugu baaqeen Madaxweynaha cusub in uu ka dhabeeyo hadalkiisii ahaa in  dalka Soomaaliya uu ku dhaqayo shareecada islaamka kaasi oo looga samata bixin karo dalka iyo dadka dhibaatada la soo deristay.

 

Madaxa hogaanka maxkamadaha islaamiga ee gudaha dalka Shiikh C/qaadir Cali Cumar ayaa ugu baaqay xoogaga Muqaawamada in ay midoobaan oo ay meel iska dhigaan qilaafaadka ka dhex taagan,waxana uu shacabka iyo xoogaga Muqaawamada ugu baaqay in ay ka faa’iideeystaan fursadani maadama dalka ay ka bexeen ciidamada Ethiopia, loona baahan yahay in ay ka faa’iideeystaan.

 

Waa markii ugu horeeysay ee xoogaga maxkamadaha islaamiga ay taageeraan madaxweynaha dowalada kmg Soomaaliya Shiikh shariif sheikh Axmed,waxana in badan oo ka mid ah xoogaga Muqaawamada ay si weyn uga soo hor jeesteen siyaasada sheikh Shariif iyo shirka Jabuuti halka shacabka Soomaaliyeed intooda badan ay si weyn u soo dhaweeyeen.

Add New Comment