Masar, Jaamacadda Carabta iyo Midowga Yurub oo soo dhoweeyey doorashada Sheekh Shariif

flags.jpgWasiirka Arrimaha Dibadda ee dalka Masar Axmed Abu Gheyt ayaa sheegay in dowladdiisa ay si weyn u soo dhaweyneyso madaxweynaha loo doortay Soomaaliya, wuxuuna sheegay in uu madaxweynaha la doortay uu yahay mas’uul wax ka bedeli kara xaaladda Dalka Soomaaliya.

Waxa sidoo kale soo dhoweeyey doorashada Sheekh Shariif Sheekh Axmed Ururuka Jaamacadda Carabta iyo Midowga Yurub oo labaduba sheegay inuu Sheekh Shariif yahay mid wax ka qaban kara dhibaatada ka jirta Soomaaliya, waxayna madaxweynaha cusub u ballanqaadeen inay la shaqeyn doonaan.


Add New Comment