Midowga Afrika oo soo dhoweeyey doorasha Sh. Shariif


logoAU-B.jpgU qaybsanaha arrimaha Soomaaliya ee Midowga Afrika Mr. Nicolas Bwakira  ayaa soo dhaweeyay doorashada madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed, wuxuuna ballanqaaday in Midowga Afrika uu la shaqeyn doono madaxweynaha cusub. Mr. Bwakira waxaa uu intaas ku daray in uu aad ula dhacay khudbadii madaxweynaha cusub uu jeediyay markii la doortay,  taasi oo uu ku ballanqaaday madaxweyne Sheekh Shariif in dowlad dhaweynayo Xukuumad-Midnimo-Qaran, isla markaana uu wada hadallo gelayo dadka ka soo horjeeda dowladdiisa.

 

Add New Comment