Mareykanka oo soo dhaweeyay doorashada Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya

Mareykanka oo soo dhaweeyay doorashada Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya
 

USflag1S.jpgDowladda Mareykanka ayaa ka mid noqotay waddamada adduunka ee soo dhoweeyey  doorashada Sheekh Shariif Sheekh Axmed loo doortay xilka madaxweynenimada Jamhuuriyadda Soomaaliya, uguna  baaqday madaxweynaha cusub ee Soomaaliya in uu soo dhiso dowlad soo afjarta dagaalada iyo degganaansho  la’aanta ka jirta Soomaaliya.

 “Waxaan ugu baaqeynaa dhamaan qaybaha Soomaalida in ay taageeraan madaxweynaha cusub iyo dowladdiisa, sidoo kalena hoggaamiyayaasha Soomaalida ayaan ku boorineynaa in ay nabadgelyo iyo dowlad wanaag ku maamulaan Soomaaliya”ayaa lagu yiri war-murtiyeedka ay soo saartay Dowladda Mareykanka.


Add New Comment