Madaxweyne Sheekh Shariif oo maanta kormeeray Ciidanka Badda Soomaaliyeed


Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo uu wehliyo Taliyaha Ciidanka Badda Soomaaliyeed Admiral Faarax Axmed Cumar (Farrax Qare) ayaa maanta ku booqday Xarunta gobolka Banaadir saraakiil iyo askar ka tirsan Ciidamada Badda Soomaaliyeed.

Booqashada Madaxweynaha ayaa waxa ay la xiriirtaa kormeer uu beryahan ku kala bixinayey qaybaha ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee ku xareysan goobo badan oo ku yaalla magaalada Muqdisho, si kor loogu qaado macnawiyaadkooda.

Madaxweyne Sheekh Shariif oo hadal u jeediyey Ciidanka Badda ayaa ka hadlay arrimo badan oo ku saabsan xaaladda uu dalku ku sugan yahay, waxa uuna Ciidanka Badda ugu baaqay inay wax ka qabtaan dhibaatada burcad badeeddu ku heyso xeebaha Soomaaliya iyo marinnada muhiimka ah ee gaadiidka badaha ee adduunkaba.

"Waxaa la idinka rabaa inaad howshiina qaran gudataan, waxna ka qabataan falalka burcad badeedka oo ah runtii qatar nagu soo xoogeysatay"ayuu yiri Madaxweyne Shariif oo intaa ku daray in ay xaaraan tahay lacagaha ay ka qaataan burcad badeedka maraakiibta marka ay afduubtaan.

Madaxweyne Sheekh Shariif ayaa sidoo kale soo hadalqaaday mudaaharaad shalay ka dhacay degaanka Ceelasha Biyaha kaddib markii ururka Xisbul Islaam uu dugsi halkaas ku yaal uu ka dejiyey calanka Soomaaliya kaddibna ay sureen calan kale oo midabkiisu madow yahay.

Rabshadahaasi shalay ka dhacay degaanka Ceelasha ayaa waxa ku dhintay dad kaddib markii sida la sheegay ay ka dhiidhiyeen dejinta la dejiyey calankii Soomaaliya, kuwaasoo madaxweynuhu uu tacsiyeeyey, wuxuuna sheegay in kooxahan wata calanka madow layska qaban doono oo Soomaaliya ay sharafteedii dib usoo ceshan doonto.

Waxa kaloo asagana halkaasi ka hadlay Taliyaha Ciidamada Badda Soomaaliyeed Admiral Faarax Axmed Cumar (Faarax Qare) oo aad ugu dheeraaday sida Ciidamada Badda Soomaaliyeed oo haatan tiradooda iyo tayadooduba ay sii kordhayaan ay diyaar u yihiin wax ka qabashada dhibaatada burcad badeedda iyo maraakiibta kusoo xad gudubta biyaha Soomaaliya ee sida sharcidarrada ah u qaata kheyraadka badda Soomaaliya.  

Dowladda Soomaaliya ayaa awooddeeda isugu geysay sidii dib loogu soo dhisi lahaa qaybihii Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, si looga hortago kooxaha kasoo horjeeda dowladda ee dagaalka hubeysan kula jira iyo sugidda ammaanka dalka.

ShShCBadda.jpg

Add New Comment