Dowladda Ruushka oo Soomaaliya ugu deeqday adduun dhan hal milyan oo dollar


Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Dowladda Ruushka Mr. Segei Lavarov in dalkiisu uu siin Dowladda KMG ee Soomaaliya deeq lacageed oo dhan hal milyan oo dollar oo wax lagaga qabanayo xaaladda bani'aadaminimo ee ka jirta dalka Soomaaliya.

Mr. Sergei Lavarov  wasiirka arrimaha dibedda ee waddanka Ruushka ayaa sheegay in lacagtan loo qoondeeyey in lagu saacido Dowladda Soomaaliya, kadiib markii qiimeyn lagu sameeyey xaaladda adag ee ka jirta waddanka Soomaaliya.

Dowladda KMG ee Soomaaliya ayaa dhankeeda ka mahadcelisay kaalmadaas dhaqaale ee ay ka heshay waddanka Ruushka, sidoo kalena beesha caalamka ka dalbatay in lala soo gaaro gargaar deg deg ah si ay wax uga qabato dhibaatooyinka ka jira gudaha dalka.

Dowladda Soomaaliya ayaa sida laga wada warqabo waxa ay ku xiran tahay kaalmo dhaqaale oo ay ka hesho waddamada deeqaha bixiya, si ay ugu suurtowdo wax ka qabashada arrimaha xasaasiga ah ee hor yaalla oo ay ugu horreyso wax ka qabashada dhinaca ammaanka.

Add New Comment